Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaad hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen ciidamada xasilinta eek u sugan gudaha Magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.
Inta la xaqiijiyay in 2 qof ayaa ku geeriyootay oo mid uu yahay askari, halka mida kale uu yahay shacabka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 qof oo mid ka mid ah uu yahay maleeshiyaadka weerarka ku qaaday ciidamada Xasilinta.
Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaalada ku yaala gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday ciidamada ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, iyadoona kadib ciidanka ay baaritaano xoog leh ka sameeyeen wadooyinka soo gala magaalada Gaalkacyo.
Magaa;ada Gaalkacyo ayaa waxa ku sugan guddiga dhex dhexaadinta ee loo xilsaaray maleeshiyaad dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Mudug, waxaana sidoo kale magaalada ku sugan xubno ka mid ah wafdi ka kala socda maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo halkaasi u jooga dhameynta xiisada ka taagan galbeedka gobolka Mudug.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa saaka sheegaya in xaalada magaalada Gaalkacyo ay degan tahay, islamarkaana ciidamada ammaanka ay baaritaano ka wadaan magaaladaasi.
Horey sidan oo kale maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa weerar ka geysteen xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Mudug.



