Ciidamada Booliska Galmudug & Puntland oo howlgal ka sameeyay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa xalay  laga sameeyay howlgalka la dagaalanka Mandooriyaha khamriga, waxaana si wada jir ah u sameeynayay Ciidamada Booliska Gobalka mudug ee Puntland iyo Galmudug.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminaya Saraakiisha Ciidamada Galmudug iyo Puntland, sidoo kalena uu qeyb ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle, waxaana u jeedkiisa uu ahaa sugida Amniga iyo la dagaalanka dhamaan waxyaabaha Maanka Dooriya .

Inta uu socday Howlgalka Ciidamada waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan 5 nin oo ku howlanaa kaganacsiga maandooriyaha khamriga labo Qori ay wateen iyo khamri farabadan ay iibinayeen.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Mudug ayaa Ciidamada ku bogaadiyay howlgalkooda iyo sida ay ula dagaalamayaan waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo ugu baaqay inay laba jibaaraan howlgallada noocaan oo kale ah.

Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada kahira dalka ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah maandooriyaha xashiishka iyo khamriga, waxaana ay burburiyeen goobo lagu farsameeynayay maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.