Dhoobley-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa waxa ay Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab ka sameeyeen degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka Jubbaland ee Howlgalkan sameeyay ayaa waxa ay sheegeen Howlgalada in ay yihiin kuwo joogto, si loo sugo amni buuxa, oo shacabka ay u dareemaan nabadgelyo.
Taliyaha Ciidamada ammaanka degmada Dhoobley Haybe Axmed C/laahi oo warbaahinta la hadlay ayaa Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee degmada ka dalbaday in Ciidamada ay kala shaqeeyaan ammaanka, si looga hortago falalka amni daro.
Wuxuu kaloo sheegay Ciidamada ammaanka mar walba in ay diyaar u yihiin sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaab, isaga oo sidoo kale tilmaamay muhiim in ay tahay wada shaqeyn dhexmarta Ciidamada iyo shacabka.


