Ciidadamada Badda ee Hindiya oo ku raad jooga Markab ay Afduubeen Burcad Badeed

Sida lagu daabacay Barta X ee Ciiddanka Badda Hindiya, mid ka mid ah Maraakiibtooda Dagaalka iyo Diyaarad nooca Ilaalada Xeebaha ee P-81 Aircraft ka gaabsadeen inay fuliyaan Hawlgal weerar lagu soo furan lahaa Badmaaxiinta u dhashay Bangladesh ee saaran Markabka Xamuulka ee MV Abdullah oo lagu haysto Xeebaha Somalia.

Qoraalka ayaa lagu xusay in faragelintaasi looga baaqsaday sababo la xiriirta Ammaanka 23-ka Badmaax ee la socda Markabkaasi.

Wargeyska Times of India ayaa qoray inay Ciiddanka Badda ee Hindiya u daad-gureeyeen Dooni nooca dheereeya ee LRMP iyo Markabka Dagaalka ee INS Tarkash, si ay u qiimeeyaan qaabka ugu Wanaagsan ee lagu furdaamin karo Badmaaxiinta lagu afduubtay Markabka Xamuulka ee MV Abdullah oo Talaadadii hore laga qafaashay Badweynta Hindiya ee Xeebaha Somalia.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in Burcad-baddeeda bedeleen Jihadii uu ku socday ee ku dhow Xeebaha Bariga Somalia.

Sarkaalka Guud ee Markabka MV Abdallah oo lagu magacaabo Catiiq Ullah Khan oo Jimcihii shalay qoyskiisa kula hadlay telefoonla ku shaqeeya dayax-gacmeedka (via a satellite phone) ayaa sheegay inay Burcad-baddeeda xoojiyeen joogitaankooda Markabka dushiisa, isla markaana ay Gurmad ahaan u soo gaareen in ka badan 50 Dabley oo aad u hubeysan.

Si kastaba,  Afduubka Markabkaasi waxay kordhiyey su’aalaha ku aadan Nidaamka Ammaanka ee Maraakiibta iyo sababaha ay Burcad-baddeeda u beegsadaan Maraakiibta isticmaala meelaha ka fog Deegaanada Khatarta Sare ka jirto ee Baddaha (The typical high-risk zone).

Maraakiibta waxay si caadi ah ugu Safran Badweynta Hindiya oo loo aqoonsan yahay Jiho Ammaan ah oo ka nabdoon Weerarada Burcad-baddeeda Soomaalida, iyadoo ay khatar halis ah la kulmaan Maraakiibta ku socdaala Deegaanada 70 ilaa 100 nautical miles ka baxsan Xeebaha Somalia.