Soomaaliya oo ka qayb gashay kulan looga hadlayay doorashada Midowga Afrika

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, waxaana shirkan diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Muritania ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Africa Dr Mohamed Salem Ould ayaa shirkan kusoo bandhigay warbixin dhameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashadan muhiimka ah ee hogaanka sare ee Midowga Afrika.

Dawlada Federaalka Soomalaiya  ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u sharaxan tahay hogaaminta Midowga Afrika ee sanadaha 2025 ilaa 2029 ayaa dhankeeda abaabul xoogan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Danjire Warfaa, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuux saday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Afrika, isla markaana qorshayaasheeda wax qabad uu kamid yahay in la dar-dar geliyo hawlaha loo igmaday Ururka Midowga Afrika iyo sidoo kale xal u helidda xasaradaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Africa.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Afrika ay dhex mari doonto Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.