Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kormeeray Xarumaha Hay’adaha Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga  kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta ay Alshabaab  ku khal-khal gelinayso  ammaanka, isla markaana ay ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle ayaa lagu tiri war ka soo baxay  Xafiiska  Ra’iisal Wasaaraha .

Ugu dambeeyntiina Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka Alshabaab ee banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed , isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iiisal Wasaaraha .