Chelsea oo heleysa Gareth Bale+£ 20 milyan haddii ay aqbasho qorshaha Zidan

Xiddiga kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee Express iyo Daily Star lagu qoray ay sheegayaan in kooxda ka dhisan Premier League ay doonayso bedelka Hazard inuu kaliya noqdo Gareth Bale.

Xiddiga reer Wales ayaa ku dhibtooday inuu taam ahaanshaho helo  xilli ciyaareedkan, waxaana Zidane laga yaabaa inuu iibiyo haddii uu helo Eden Hazard.

Xiddiga Belgian ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in uu kala hadli doono mustaqbalkiisa kooxda galbeedka london ka dhisan ee Chelsea.

Isagoo u hadlayay wargeyska Belgian ee Het Nieuwsblad, Hazard ayaa yiri: “Xilligan la joogo, waxba ma saadaalin karo,waxaan kulan la qaadan doonaa kooxdeyda ka dibna waan arki doonaa waxa soo baxa.

Eden Hazard ayaa qaab ciyaareed fiican ka sameeyay Chelsea xilli ciyaareedkan, inkastoo abaalmarinta PFA uu ku garaacay ninka ay isku kooxda yihiin ee N’golo Kante.

Hazard waxaa taageere weyn u ah tababaraha Real Madrid Zidane, waxaana uu aaminsan yahay in laacibka Chelsea yahay ciyaaryahanka seddexaad ee ugu fiican adduunka ka dib Ronaldo iyo Messi.

marka laga yimaado Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, Hazard waa ciyaaryahan aan jeclahay, Waxaa cajiib ah qaabka uu u ciyaaro, “ayuu yiri Zidane.”

Ma arki doonaa isagoo u ciyaaraya Real Madrid ayuu is weydiiyay? Waxaan dhihi karaa oo kaliya waan jeclahay ciyaaryahanka ayuu hadalkiisa ku darai Zuu.

Waxa uu ballan qaaday Zidane in xagaagan isbedel weyn uu ku sameyn doono kooxda ku guuleysatay La Liga xili ciyaareedkaan ee Real Madrid.

magacyo waa weyn sida Eden Hazard, Kylian Mbappe iyo David De Gea ayaa la filayaa inay u dhaqaaqaan Bernabeu marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa u aragta bedelka Hazard ciyaaryahankii hore ee Tottenham Gareth Bale, kaasoo sidookale bartilmaameed u ah Manchester United.

Roman Abramovich ayaa diyaar u ah in uu bixiyo Hazard haddii uu helayo Gareth Bale, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Bale + £ 20 milyan oo kaash ah Real Madrid kula wareegi doonto Hazard.

Eden Hazard ayaa loo calaamadeeyey inuu ku guleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or haddii uu kusocda qaab ciyaareedka wanaagsan ee uu muujinayo waqtigaan.