Cadaado-RisaalaFM- Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee xildhibaanada ka imaanaya Degaanada Maamulka Galmudug, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii uu la tartamaayay.
Cabdi Shire oo ay la tartamayeen 3 Musharax ayaa helay codad gaaraya 29 cod, waxaana 10 cod heshay Deeqo Xuseen Mire oo nooqtay qofka labaad ee ku soo xigay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel).
Waxa uu ka mid noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deganada Maamulka Galmudug.
Kursiga uu ku guuleystay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) ayaa ah kursiga Labaad ee Aqalka Hoose Maamulka Galmudug Doorashadii maanta dhacday, iyadoo Doorashada maalinta beri ah ay ka sii socon doonto Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.
Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) ayaa markii ay soo idlaatay Doorashada waxa uu ka hadlay dareenkiisa.


