Boqoradda Britain oo booqatay dadkii ku waxyeeloobay dabkii London” Sawirro”

Boqoradda dalka Britain ayaa booqatay dadkii ka badbaaday dab toddobaadkii hore ka kacay dhismo ku yaala galbeedka magaalada London.

Boqorad Elizabeth II oo la kulantay dadkii ay dhibaatadu soo gaartay ayaa sheegtay in ay tahay arrin adag in laga baaqsado in xanuunka lala qeybsado dadka, waxaana ay intaa ku dartay in dalka Britain ay soo wajahday mussiibooyin dhib badan toddobadyadii u dambeeyay.

Boqoradda dalkaasi iyo amiir William ayaa markii ay booqdeen Westway Sports Centre oo ah halka ay ku suganyihiin dadkii ka badbaaday dabka waxaa ay la kulmeen dadkii degenaa halka ay musiibadu ka dhacday, wakiila ka socda bulshada iyo dad mutadawiciin ah oo halkaasi ka shaqeynayay.

Waxaana ay intaa ku dartay in manta ay tahay maalinta loo dabaal dego dhaqanka, balse ay doorbiday inay muragada la qeybsato dadkii ay waxyeelada soo gaartay.