Madaxa booliska magaalada Multan, Khurrum Shehzad Haider dalka Pakistan ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen labo ruux oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilka Dr. Cabdiraxmaan oo ka yimid Soomaaliya islamarkaana wax ka baranayey qeybta qalliinka ee Jaamacadda, kasoo arbacadii lasoo dhaafay isaga oo la gowracay meydkiisa laga helay musqul ku taalla hoolka Jamal Bhutta oo ah halka ay degan yihiin dhaqaatiirta ee Isbitaalka Nishtar Hospital.
Taliyaha waxaa uu sheegay in Saddex ruux oo mid ah Soomaaliya ka yimid uuna la deganaa dhaqtarka in ay gacanta ku dhigeen ayna ku waddaan baaritaano.
Dr. Abdul Rehman ayaa deganaa qolka No.17 isaga iyo dhaqtar kale oo ka yimid Soomaaliya oo lagu magacaabo Dr. Abdul Azizi, wuxuuna isku diyaarinayey qeybta koowaad ee qalliin tijaabo ah oo uu sameyn lahaa.
Waxaa sidoo kale qolka la deganaa dhaqtar Pakistani ah oo lagu magacaabo Dr Ghulam Muhammad iyo kaaliyihiisa Muhammad Ijaz.
Khurrum ayaa sheegay in tuhunsanaha ugu weyn uu yahay Dr. Abdul Aziz oo Soomaali ah, sababtuna ay tahay in markii su’aalaha la weydiiyey uu sheegay hadallo isburinaya.