Barcelona ayaa u muuqata mid aan dar-dar galineynin loolanka ay ugu jirto daafaca midig ee Benfica Nelson Semedo madama ay doorbideyso iney hesho daafaca Arsenal Hector Bellerin.
23-jirkaan heerka caalami ee xilli ciyaareedka wacan ku qaatay horyaalka Portugal ayaa noqday dooqa labaad ee Barcelona madama ay dooqa koowaad ka dhiganeyso daafaca kusoo koray La Masia Hector Bellerin.
O Jogo ayaa qoreysa in xaaladda uu Nelson Semedo ugu wareegi karo Camp Nou ay sii cakirmeyso.
Si kastaba Barcelona ayaa laga yaabaa iney meel cidlo ah kusoo dhacdo marka ay ka harto Semedo sidoo kalana ay Arsenal ku adkeysato ineysan iibin doonin daafacooda tayada wanaagsan.



