Man Utd oo ka hadashay wararka sheegaya inay heshiiska shaqsiga ah la meeldhigtay xiddig u ciyaara Chelsea

Manchester United ayaa caddeysay in aysan wax heshiis ah la meeldhigin xiddiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Nemanja Matic kaasoo muddo dheer lala xiriirinaayey ku biirista kooxda ka dhisan Old Trafford.

28 sanno jirkaan Nemanja Matic ayaa isha ku haya inuu xagaagaan ka tago kooxdiisa Chelsea maadaama ay Blues gacanta kusoo dhigeyso burburiyaha AS Monaco Tiemoue Bakayoko kaasoo Matic kala bixi roona booska joogtada ah ee Chelsea.

Sidaas darteed haddii uu yimaado xiddiga reer France, Matic wuxuu isha ku hayaa inuu ka tago kooxda tababare Antonio Conte, waxaana si daran xiiso ugu qaba tababarihiisii hore ee Chelsea Jose Mourinho kaasoo diyaar u ah inuu kusoo dhoweeyo Manchester United.

54 sanno jirkaan Jose Mourinho ayaa isha ku haya inuu kooxdiisa ka xoojiyo qadka dhexe ka hor xilli ciyaareedka soo aadan, wuxuuna aaminsan yahay inuu aad u anfici lahaa xoogweynaha qadka dhexe ee reer Serbia Matic.

Shalay oo Jimco aheyd, wargeyska Manchester Evening News ayaa wuxuu faafiyey xog sheegeysa inay Man United heshiiska shaqsiga ah la meeldhigtay Matic.