Banaanbax Maanta ka dhacaya Muqdisho

Banaanbax Roob doon ah ayaa Saaka lagu wadaa in uu ka dhaco  Magaalada Muqdisho,waxaana Dibadbaxa Roobdoonka ah ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa ka dhici doona Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho,iyadoo qaar ka mid ah Dadka ku nool Muqdisho oo Banaanbaxa dhigaya ay hadda joogaan Masaajidka Isbahaysiga Islaamka.

Madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan banaanbaxa.

Sidoo kale Banaanbaxa Maanta ka dhacaya Muqdisho waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.