Beledweyne-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya Soomaaliya.
Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka ka mid ah Bulshada ku nool magaalada Beledweyne ayaa waxa ay si weyn ugu taageerayeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa sheegay Ugaas Xasan inuu yahay Ugaaska Reer Hiiraan, islamarkaana aanan la dafiri karin.
Banaanbaxayaasha ayaa sheegay hadii gobolka Hiiraan laga doonaayo soo xulid Xildhibaan in ay qasab tahay in Ugaas Xasan lagu daro Liiska Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Liiska 135 Oday ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaanan waxaa ku jirin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyadoo bedelkiisa la geliyay Ugaas kale.


