Baraawe-RisaalaFM- Allaha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku geeryoodey weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Qabuuro ku yaala magaalada Baraawe.
Dadkii ka qeyb galay Aaska Marxuumka ayaa waxa ay halkaasi ugu duceeyeen Marxuumka, waxaana ay Alle uga baryeen in uu Janadiisa Fardowsa ka waraabiyo sidoo kalena Qabrigiisa uu Alle u waasiciyo.
Marxuum Burci Maxamed Xamze ayaa maanta waxaa Salaada Janaasada lagula tukaday magaalada Mauqdisho, waxaana Tukashada Salaada Janaasada ka qeyb galay Ehelada Marxuumka, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dowladda Federaalka, Maxamed Cumar Carte iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Gole ee dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu markale ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka.
Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamze ayaa ku geeriyooday weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naaso Hablood 1 ee magaalada Muqdisho Todobaadkan gudihiisa.


