Arsenal ayaa ka fakiraya qiimaha ay ku bixin karaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga goolhayahooda Wojciech Szczesny, sida ay sheegayaan wararka.
Szczesny ayaa u saxiixay Arsenal sanadkii 2006 isagoo 16 jir ahaa, laakiin ma uusan helin kulankiisii ugu horeyay kooxda ilaa saddex oo uu joogay kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, ka dib amaah uu ugu dhaqaaqay kooxda Brentford, wuxuu noqday goolhayaha dooqa koowaad ee tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger sanadkii 2011.
Laakiin isagoo ka dambeeya David Ospina ayaa Arsenal waxa ay lasoo saxiixdeen Petr Cech , markasoo xiddiga heerka caalami ee dalka Poland ku soo biiray Roma si amaah bilowgii xilli ciyaareedkan dhamaaday.
Arsenal ayaa la sheegay hadda in ay ku faraxsan tahay in ay iibiso 26-sano jirkaan, wargeyska Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in qiimihiisu noqon karo mid aad u sareeya.
Roma ayaa qarka u saaran inay dhameystirto heshiis ay ku keensaneyso goolhayaha Brazil Alisson Becker, kasoo kooxda tijaabada caafimaadka umaraya todobaadkaan.
Si kastaba ha ahaatee, tababare Luciano Spalletti ayaa la sheegay in uu isha ku hayo Szczesnyinuu sii joogo kooxdiisa, Laakiin Gunners ayaa codsanaysa in ka badan £ 15 million, haddii Roma ay si rasmi ah ula wareegeyso goolhayahaan


