Wayne Rooney ayaa dareensan in England heystaan koox awooda markii ugu horeysay mustaqbalkooda in ay ku guuleystaan Euro 2016.
Waxaa ay badiyeen 10 –kulan oo isreebreebka Yurub ay ka ciyaareen tasoo layaab ku aheyd kubadda cagta.
England ayaa kaga qeyb geli doona Euro 2016 niyad kalsooni leh,ka dib markii ay 100 % guul ah kaga soo baxeen Group E isreebreebka tartankaan,
Waxay ku wajihi doonaa Russia, Slovakia iyo Wales heerka group-yada tartankaan oo fursamay bisha June.
Captain Rooney ayaa dhaliyay todoba gool kulamada is reeb reebka ah, waxaana kujiray goolkii 50-aad ee rikoor uu ku jabiyay-markii uu dhaafay dhaliyihii ugu sareeyay muddo xulkaan ee Sir Bobby Charlton.


