Amnesty International oo Kenya ka codsatay in aysan xirin Dhadhaab

Kenya-RisaalaFM- 6-dii May ayay aheyd markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in ay xireyso xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana arintaasi walaac badan ka muujiyay hey’adaha udooda xuquuqda aadanimada.

Hey’adda Amnesty International ayaa dowladda Kenya ka codsatay in aysan ku dhaqaaqin go’aanka ay ku xireyso xerada Dhadhaab.

Waxaana ay Amnesty International ay sheegtay in dowladda Kenya xilligan aysan xirin xeryaha Qaxootiga oo ay sii wado martigelinta Qaxootiga.
Midowga Yurub ayaa sidoo sheegtay in ay ku bixineyso samata bixinta Qaxootiga lacago gaaraya 3 Billion oo Euro si wax loogu qabto Qaxootiga ku dhibaateysan aduunka.

Guddiga Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo wax loogu qabanayo Qaxootiga, waxaana ay sheegeen in Qaxootiga ay udiyaariyeen lacag dhan 150 Billion oo lagu taageerayo dadka Qaxootiga ah.

Dhowaan ayay aheyd markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in xireyso xerada Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana war ka soo baxay dowladda Kenya lagu sheegay in ugu dambeyn xerada Dhadhaab ay xireyso Bisha November ee sanadkan 2016-ka.