Diyaarad laga leeyahay Masar oo hawada lagu la la’yahay

Diyaaradda EgyptAir ayaa lagu waayay badda Medditerranean-ka, markii ay ka soo duushay dalka Faransiiska, kuna sii jeeday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradan ayaa laga waayay Raadaarka, xilli ay mareysay Badda Meditarrean-ka, isla markaana 10 Mile u jirtay Hawada Masar.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 56 rakaab iyo 10 shaqaale, waxaana xalay abaarihii 11:09 ka soo duushay garoonka diyaaradaha Charles De Gaulle Airport ee magaalada Paris.

Shirkadda Diyaaradaha EgyptAir ayaa sheegtay in diyaarada laga yaabo inay ku bur burtay Badda Meditarrean-ka, isla markaana muddo 20-daqiiqo ka hor lagu waday inay caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira.

Waxaa socda baadigoob loogu jiro diyaarada, waxaana loo diray diyaarado iyo maraakiib ka raadinaya diyaarada, goobaha laga shaki qabo inay ku dhacday oo illaa 40-mile u jirta Badda Masar.