Deg Deg: Madaxweynaha iyo R.wasaaraha oo hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka

Muqdisho-RisaalaFM- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta hortagay Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxda dalka ugu sarraysa ayaa lagu wadaa iney mudanaasha kala hadlaan sidii loo dar dargelin lahaa ansixinta suurto gal nimada doorashooyinka dhici doona daba yaaqada sanadkan 2016-ka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay ugu soo gudbisay Golaha Baarlamanka qorshaha dadejinta doorashooyinka,taas oo uu ku yimid dib u dhac markii uu muran ka dhashay qaabka loo wajahayo sharciyada doorashooyinka Augost 2016-ka.

Waxaana la sheegay madaxda dalka ugu sareysa iyo xildhibaanada Baarlamaanka kulankan ay yeelanayaan in uu qaadanayo waqti badan maadaama laga wada hadlayo arimaha doorashada 2016-ka iyo sidii loo dadejin lahaa.