Muqdisho-RisaalaFM- Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socda Golaha Amaanka ee Q.M kuwaas oo qiimayn ku samaynaya qaabka ay u socdaan qabanqaabada doorashooyinka 2016-ka.
Golaha Amaanka ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay sida ay u socdaan qaban qaabada loogu jiro hawlaha doorashooyinka iyo sida ay isaga xilsaartay adkaynta nabad gelyada dalka iyo hor usoccdka ay sameyneyso.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa soo dhoweeyay sida ay Beesha Caalamka ugu heelan tahay ku garab istaagga Soomaaliya arrimaha asaasiga u ah qabsoomidda doorasho u dhacda qaabkii lagu heshiiyay.
Waxaana uu balan qaaday in ay tixgelin doonaan dhamaan dhinacdaya siyaasadda iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey usheegtay in sanadkan dalka ay ka dhaceyso doorasho loo mideysan yahay oo guul gaarsiin karta Soomaaliya.


