Al-shabaab oo sheegtay weerarka Hotel Ambasador

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Qarixii goor dhow lagu qaaday Hotel Ambasador oo ku yaala wadada Makah Al-Mukarama.

Rasaas xoogan ayaa qaraxa ka dib ka bilaabatay halkaas iyadoo wararku sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, waxaana goor dhow goobta gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya, waxaana hotelka dhexdiisa ka socda dagaal.

Xildhibaano iyo dad kale oo qurba joog ah ayaa degan hotelka Ambasador oo ka mid ah hotelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo weli soconaya.

Goob jooge Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in gudaha Hotelka ay wali ka dhaceyso Rasaas xoogan.

Maanta ayay aheyd markii maamulka Jubbaland ay soo bandhigeen meydadka saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro Shiikh Maxamed Dulyadeyn oo horey madaxiisa lacag loo dul dhigay.

Al-shabaab oo war kooban ku soo qoray ku soo qoray baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotel Ambasador.