Deg Deg: Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa warar hada soo dhacay ay sheegayaan in Qaraxii goor dhow Muqdisho laga maqlay lagu weeraray Hotel Ambasador oo ku yaala wadada shaqaalaha.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay Rasaas xoogan oo ka dhaceysay gudaha Hotelka iyo banaankiisa.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxan.

Waxaa goobta uu Qaraxa ka dhacay hada ku sii qul quleysa Gaadiidka Gurmadka Deg Deg ah si ay u caawiyaan dadka dhaawaca uu ka soo gaaray Qaraxan.

Ilaa iyo hada lama Mas’uuliyada Qaraxan cida sheegatay.