AKHRISO: Isku aadka wareega labaad ee Tartanka Iskuulada Risaala oo la sameeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala maanta waxaa lagu sameeyay wareega labaad ee Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala.

Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala ayaa isku aadka sameeyay, waxaana isku aadka loo sameeyay 8 iskuul oo wareega labaad u soo gudubtay.

Wareega labaad ee Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala oo maanta la sameeyay ayaa isla maalinta berri ah waxaa lagu bilaabi doona iskuulada Tayo iyo Al-safa.

Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaaacadaha ugu caansan dalka ayaa taabagelineysa Tartankan, taasi oo abaalmarino qaali ah siineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartanka, Ciida ka hor.

 

Halkan hoose ka Akhriso sida ay isugu aadeen iskuulada:-

Tayo   VS   Al-safa                            Arbaco           14-06-17

Abii-xaniifa   VS   Al-muzamil             Khamiis         15-06-17

Sheekh Caanoole   VS   Tanaad           Sabti             17-06-17

Sheekh C/xafiid   VS Daaru-taqwa       Axad             18-06-17