DHAGEYSO: Yaa badiyay Iskuulada Daaru-taqwa iyo Al-naciim ? “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo maanta la soo gaba gabeeyay wareegii koowaad ee Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, ayaa waxaa ku tartamay Iskuulada Daaru-taqwa iyo Al-naciim.

Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaaacadaha ugu caansan dalka ayaa taabagelineysa Tartankan, taasi oo abaalmarino qaali ah siineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartanka, Ciida ka hor.

Daaru-taqwa iyo Al-naciim ayaa soo bandhigay Tartan aad u xiiso badan, waxaana tartanka uu ahaa mid lagu daray su’aalo dheeri ah, maadaama lagu kala bixi waayay su’aalihii labada iskuul ay xaqa u lahaayeen.

Iskuulka Daaru-taqwa oo keensaday 14 dhibcood ayaa galabta ka badiyay iskuulka Al-naciim oo keensaday 12 dhibcood, sida uu ku dhawaaqayo Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala.

Markii uu tartankan soo idlaaday waxaa la sameeyay isku aadka wareega labaad ee Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo ay isugu soo hareen 8 iskuul.

Halkan hoose ka Akhriso sida ay isugu aadeen iskuulada:-

Tayo   VS   Al-safa                            Arbaco           14-06-17

Abii-xaniifa   VS   Al-muzamil             Khamiis         15-06-17

Sheekh Caanoole   VS   Tanaad           Sabti             17-06-17

Sheekh C/xafiid   VS Daaru-taqwa       Axad             18-06-17

Berri oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 14-ka June ayaa waxaa tartami doona iskuulada tayo iyo Al-safa, kuwaasi oo si weyn u diyaar garoobay.

 

DSC_1241

DSC_1236 DSC_1242 DSC_1244