Culimadda maamulka Puntland ayaa soo saarey bayaan ku wajahan Dowladda Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyadda, Baarlamanka Soomaaliya, Gollaha Wasiiradda Dowladda Federalka iyo Culimada Soomaaliyeed ka dib kulan ay uga xaajoodeen Arrimaha Xajka iyo Cabashada xoogan ee ka jirta kharashka laga qaado Xaajiyadda Soomaalida xilliyadda ay u dhoofayaan Cumraysiga.
BAYAANKA CULIMADA PUNTLAND EE KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERALKA
QODOBADA BAYAANKU TAABANAYO
Annagoo ah culimada Puntland ee ku kulantay Garowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysanmaamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka,madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada,culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyocumarada.
Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran:
1- Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid puntland.
2- Sidoo kale waxaan taageersanahay warsaxaafadeedkii wasiirka cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha xajka iyo cumrada soomaaliya.
3- Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegtogacantana ku dhigto dhammaan arimaha xajka iyo cumrada dibad iyo daakhilba.
4- Waa inay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u gutaan.
5- Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo cumrada.
6- Shacabka soomaaliyeed waa inay la mid noqdaan shucuubka kale ee geeska afrika xagga kharashka iyo dhammaan adeegyada xajka iyo cumrada.
7- Waa in la suuragaliyaa sidii shacabku fiisaha uga heli lahaayeen gudaha dalka,lagana soo wareejiyaa safaaradaha sacuudigu ku leeyahay Jabuuti iyo Naitobi,si ay u fududaato arimaha xajka iyo cumrada.
Allah baa mahad leh
Waa baaqii Culimada Puntland ee ku kulantay Garowe