DF oo ka hadashay qorshaha lagu yareynayo AMISOM

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa maanta ka hadlay qorshaha uu Taliska Midowga Afrika ku yareynayo Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM, kadib hadal kooban oo uu siiyay BBC-da.

AMISOM ayaa Talaadadii sheegtay in kun Askari hoos loo dhimayo tirada Ciidanka AMISOM, iyada oo ay dalka ka bixi doonaan marka la gaaro 31-ka bisha December ee sanadkan.

Eng. Yariisow ayaa sheegay inay tani ku timid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay dagaalka kaga adkaatay Ururka Al-Shabaab, sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray in bilowga ka bixista AMISOM ee dalka ay muujineyso guulaha dagaalka looga gaaray Shabaab.

“Somaliya waxay isku duba-riday hannaan dhanka ammaanka ah, waxaan aamin sanahay xilligan inay laamahayaga amniga tababar wanaagsan qaateen, shaqadooduna ay aad u garanayaan. Waxaa la jooggaa xilligii ka Soomaali ahaan aan qaadan lahayn masuuliyada ammaankayna.” Ayuu yiri Yariisow.

Wasiir Yariisow, ayaa qaba in la jooggo xilligii ay Soomaaliya la wareegi laheyd masuuliyadda amniga dalka, maadaama sida uu sheegay la diyaariyay ciidan hanan kara ammaanka dalka.