Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta uu usoo dhisi la yahay golaha Wasiirada ee maamulkaasi.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu wado qancinta beelaha qaar ee wax ka tabanaya maamulka Jubbaland iyo sidii ay ugu qeyb noqon lahaayeen ayagoo qanacsan maamulka Jubbaland.
Waxa uu sidoo kale sheegay in iyadoo ay jiraan beelo aan ku qanacsaneyn maamulka Jubbaland aan lagu dhawaaqi golaha Wasiirada maamulkaasi Jubbaland.
Axmed madoobe ayaa tilmaamay in uu wado la tashiyo iyo qancinta beelaha qaar ee wax tabanaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ugu dareen waqtiga uu ku soo magacaabayo golaha Wasiirada maamulkaasi.


