Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo la afduubtay+SAWIRO

Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ka duushay magaalada Alexandaria kuna sii jeeday magaalada Qaahira ayaa la afduubtay.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa inka badan 60 ruux oo rakaab ah, walow markii hore la sheegay iney 80 ruux saarnaayeen.

Waxa diyaarada laga dajiyay garoon diyaaradeed oo ku yaala dalka Cyprus (Qubrus).

Lama oga cidda afduubka ka dambeysay

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Masar iyo afhayeen u hadashay shirkada diyaarada ayaa sheegtay in diyaarada wadihii waday lagu amray in diyaarada uu ka dajiyo Qubrus.

Nooca diyaarada ayaa lagu sheegay Airbus A320 oo Qaahira ku wajahneyd,

Hal ruux oo hubeysan ayaa looga shakisan yahay inuu diyaarada saarnaa.

Warbaahinta Qaranka ee Qubrus ayaa baahisay in diyaarada laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee Larnaca.

Waxaa gabi ahaanba la xiray garoonka diyaarada laga dajiyay, waxaana la joojiyay duulimaadyadii caadiga ahaa.

Duuliyaha diyaarada ayaa laga soo xigtay inuu rakaabka u sheegay in qarax diyaarada saaran yahay laguna amray inuu dajiyo.

Shirkada diyaarada laga leeyahay ayaa xaqiijisay afduubta waxaana bartoodaTwitter-ka kusoo qoreen afduubka diyaarada.

diyaraad

600e0e504df14c1a8ee1931e1e0a7b49_18 1ba05af294aa4108a9f0ca85136d8137_18 _88978688_88978687

_88978688_88978687