Maamulka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Saraakiisha iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa kulan ay yeesheen ku go’aamiyay in la weeraro Al-shabaab , islamarkaana laga qabsado degaanada ay gacanta ku hayaan.
Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa Saxaafadda u sheegay in dadka Shacabka ah laga doonaayo in ay diyaar garoobaan.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyadda ay ku balameen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka dib markii Qarax ay ku dhinteen 400 boqol uu ka dhacay Muqdisho.


