Boosaaso-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo maleynayo inuu fuliyay Ruux la sheegay in uu gaari gacan ku waday waxyaabaha Qarxa, kaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Qaraxa ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay goob mashquul badan oo ay ku yalaan maqaayado iyo goobo lagu shaaho oo ay u badan yihiin ciidamada Saldhigga Bartamaha ee magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay ninkii Ismiidaamiyaha ahaa ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo gaareysa Afar qof, sida ay sheegeen saraakisha caafimaadka.
C/rashiid C/raxiin Ismaaciil, Taiyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland, ayaa yiri “kooxaha Argagixisada waxa ay qarax soo saareen gaari gacan”, hase ahaatee ay fashiliyeen ciidamada, sida uu yiri.
“Waxaan shacabka u sheegaynaa in aysan wax dhib ah jirin, Shayaadiintii baa waxay qarax ku soo rareen gaari gacan, ka dib markii ay ciidamadu ka war helayn shaydaankii waday baa meel cidlo ah isku qarxiyay.” Ayuu yiri Taliyaha.
Ciidamada ammanaka maamulka Puntland ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka sameeyeen howlgalo amni xaqiijin ah.
Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo ay sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana bilo ka hor magaaladaas ka dhacay qaraxii u horeeyay ee Kooxda Daacish ay fulisay.








