SAWIRRO: Madaxda Maamul Goboleedyada oo gaaray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa hada waxa ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay uga qeyb galaan xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Afar Diyaaradood oo sida Madaxweynayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo kan Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar.

Madaxda ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana wadooyinka waa weyn ee magaalada iyo xarunta Caleemo saarka lagu arkayaa Ciidamo hubeysan oo ka kala tirsan Dowladda iyo AMISOM.

Dhanka kale magaalada Jowhar waxaa gaaray Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi si uu uga qeyb galo xafladda Caleemo Saarka.