Hoobiyeyaal ku dhacay Xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Garoor ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi guri ku yaalla ay ku dhaceen Hoobiyeyaal.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa mid ka mid ah waxaa uu ka dhacay guri,waxaana ku dhimatay hal qof oo dumar ah.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 1 ruux oo la sheegay in uu ahaa cunug yar.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda Falkaasi ka dambeysay, waxaana ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ay halkaasi ka waddaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.