Gaari shacab saarnaayeen oo miino la qaraxday

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye, gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa waxa ay miino kula qaraxday meel 11-KM u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gaarigaan oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa inuu u sii socday Degmada Balcad, waxaana meesha miinada ay kula qaraxday la sheegay inay tahay tuulada Daniga oo ku taalo wadada isku xirta Balcad iyo Afgooye.

Gaariga ayaa la sheegay inay saarnaayeen haween ka ganacsada Cawska, waxaana la sheegay in inta badan dadkii saarnaa Baabuurkaasi ay ku dhinteen.

Dad ku sugan Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in haweenkii saarnaa gaariga caasiga ah badankood ay geeriyoodeen.

Maamulka Degmada Balcad ayaa xaqiijiyay inay hadda ku sii socdaan goobta mashaqadan ay ka dhacday ee dadka rayidka ah ku dhamaadeen, ayna u gurmanayaan sidii maydadka halkaasi ay uga soo daabuli lahaayeen.

Miinadan meesha ku aasneyd ee gaariga caasiga ah la kacday ayaa u muuqata mid xilli hore halkaasi la galiyay, balse gaariga caasiga ah oo halkaasi maraayay ay qabsatay.