Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Maanta Xaafadda Sanca loogu geystay Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa timo jare.
Nimanka dilka gaystay oo watay Bistoolado ayaa la sheegay inay dileen Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud, kaasi oo ka mid ahaa dadka laga yaqaano Isgoyska.
Xuseen Xasan, ayaa la sheegay inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo Timo jare ahaa.
Qof ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa Risaala u sheegay in Kooxda dilka geysatay iyo sidoo kale wiilka la dilay uu muran soo kala dhexgalay.
Raggii dilka gaystay ayaa si nabadgelyo ah meesha uga baxsaday, iyadoo aysan suuragalin in gacanta lagu soo dhigo, dilka kadibna goobta waxaa tagay ciidamada ammaanka.



