DHAGEYSO: Mas,uuliyiin Booqday Wasaaradda waxbashadda

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa booqday Wasaaradda Waxbasharada dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii Booqday Wasaaradda ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Waxaa wasaaradda kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda waxbashada, Wasiir ku xigeenka iyo sidoo kale Wasiir dowlaha.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarunta Wasaaradda waxbashada ka furay Barnaamjika Wadankaaga wax u qabso.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dhismaha dalkooda Hooyo.