Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiintaa Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaal “Cismaan dheere” oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa waxaa eedeyn u jeediyay Hey’addaha deeq bixiyayaasha ee ka shaqeeya soomaaliya.
Waxa uu ku eedeeyay in Hay’adaasi aysan dooneyn iney soomaaliya ay lugaheeda ku istaagto oo ay noqoto dal isku filan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in wasaaradahada xukuumadda iyo kuwa maamul goboleedyadda ay go’aano ka qaataan hey’addaha ka howlgalaya gudaha dalka Soomaaliya.
“ Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada waxaan u sheegaya iney muujiyaan isku filnaasho oo ay go’aan ka qaataan Hay’adaha aan ogoleyn hormarka soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka.
Waxa u xusay in Hay’adaha Dowlada Federaalka soomaaliya in loogu baahan yahay in ay isku tashadaan oo aysan sugin mashruucyo ay keenaan Hay’ada kale.


