DHAGEYSO:- Barakacayaasha Xerada Badbaado ku jira oo banaanbax dhigay maanta

Dadka barakacayaasha ah eek u nool xerada Badbaado ayaa maanta banaanbax ay kaga cabanaya barakicin iyo dulmi lagu haayo ka dhigay afaafka hore ee xeradaasi.

Dadka banaanbaxa dhigaayay oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay ku hayaan barakicin iyo iney doonaya in ay ka saaraan xerada ay ku nool yihiin.

Waxay sidoo kale sheegeen in aysan ogolaan doonin in si sharci daro ah loogu saaro xerada Badbaado oo ay sheegeen iney u tahay hoy isla markaana ay ka soo horjeedaan.

Madaxda Dowlada iyo maamulka gobolka Banaadir ayay ugu baaqeen iney soo fara geliyaan oo ay wax ka qabtaan waxyaabaha ay ka banaanbaxayaan.

Dhanka kale Maamulka Degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir oo aan la xiriirnay ayaa inoo suurta gelin in aan qadka telefoonka ku helno si aan wax badan ugu weydiiyo cabashada dadkan barakacayaasha ah.