Luis Enrique oo dal baday cayaaryahan Mahrez

Xiddiga Algeria ayaa u dhaliyay 15-gool xili ciyaaredkan  kooxda Dawacooyinka ‘oo ku hugaaminaya Premier League shan dhibcood.

Tababaraha Barca Luis Enrique ayaa u sheegay madaxda Camp Nou in xooga la saaro Mahrez sidii loo keeni lahaa xagaaga dambe.

Mahrez ayaa la fahamsan yahay inuu liiska ay dooneyso Barcelona ugu horeeya marka uu suuqa kala iibsiga furmo.

Sidookale Borussia Dortmund xiddigeeda Marco Reus ayaa liiska ugu kooxda Barca.

Luis Enrique ayaa Mahrez 25-sano jir ah daawaday dhowr jeer xilli ciyaareedkan , waxaana ugu dambeeyay kulankii ka dhacay Vicarage Road.

Mahrez ayaa qandaraaskiisa Leicester uu dhacayaa ilaa 2019, waxaana uu heystaa fursad uu ugu dhaqaaqo koox weyn oo yurub ah.