Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay burburinta Suuqa Xarraryaale, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay burburintii Suuqa Xarraryaale ee degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii xalay ay ka dhaceen isku dhacyo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dadkii ka hor yimid duminta suuqa.

 

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku cambaareeyay weerarka iyo burburinta hantida shacabka, isaga oo sheegay in falkaasi uu muujinayo sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ugu mashquuleen boobka hantida dadweynaha.

 

Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Falkan gurracan wuxuu muujinayaa sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ay ugu sumoobeen boobka hantida shacabka, iyagoo aan xitaa kala jeclayn xilliyada ay fulinayaan duullaanka ka dhanka ah xaafadaha shacabka.”

 

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale tacsiyeeyay muwaadiniintii naftooda ku waayay weerarka, isaga oo dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

 

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in shacabka xaafadda Xarraryaale ay mudan yihiin in hantidooda la ilaaliyo, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta caasimadda inay muujiyaan xilkasnimo, isla markaana ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waddooyinka, iyagoo difaacaya xuquuqdooda.

 

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka muddo-dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu caadeystay barakicinta shacabka iyo burburinta hantidooda, isaga oo ku eedeeyay in maamulkaasi uu qaaday mas’uuliyad tacadiyo uu ku tilmaamay kuwo joogto ah.

 

Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya kaddib markii burburinta Suuqa Xarraryaale ay dhalisay bannaanbaxyo iyo isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan tallaabada lagu dumiyay goobtooda ganacsi.