Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhaqan-galka heshiiskii 2023 lagu aasaasay Urur-goboleedka Horumarinta IGAD, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay 16-kii Nofeembar 2026.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay 18-ka Nofeembar ayay ku sheegtay in Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaadatay dhaqan-galka heshiiska, kaddib markii ay bishii Janaayo 2026 ansixisay, taas oo suuragelisay in la gaaro tiradii dalalka looga baahnaa ansixinta heshiiska.
Wasaaradda ayaa hambalyo u dirtay dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo Xoghaynta Ururka, iyadoo xustay in munaasabaddan ay ku soo beegantay sannad-guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka IGADD sannadkii 1986.
Heshiiskan cusub ayaa lagu xoojinayaa qaab-dhismeedka sharciyeed iyo hay’adeed ee IGAD, waxaana sidoo kale lagu adkeynayaa iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ee dhinacyada nabadda, amniga, isdhexgalka dhaqaalaha iyo horumar waara.
Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, is-ixtiraamka iyo xoojinta iskaashiga gobolka.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dalalka kale ee xubnaha ka ah kala shaqeyso hirgelinta heshiiska, iyadoo bogaadisay dadaallada Xoghaynta IGAD iyo Xoghayaha Fulinta ee ururka, Dr. Workneh Gebeyehu.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la helo IGAD xooggan, midaysan oo wax-ku-ool ah, kana shaqeeya danaha iyo horumarka shucuubta gobolka.






