Sh/Dhexe-RisaalaFM- Xoghayaha degmada Warshiiq ee dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho waxa uu fariin digniin ah uu ujeediyay Beelo walaalo oo dagaalkooda uu ku soo laab laabtay degmada Warshiiq ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xoghayaha ayaa sheegay in maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowladda iyo kan degmada Warshiiq ay talaabo adag ka qaadi doonaan hadii markale dib uu usoo laabto dagaalka qabaa’ilka uu salka ku hayo mudooyinkii udambeeyay ay xalintiisa socotay.
Waxaana shalay Dagaal khasaare geystay markale uu ka dhacay degmada Warshiiq ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xoghayaha degmada Warshiiq ee dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu baaq nabadeed udiray beelaha ku dagaalamaya degmada Warshiiq, isagoo sidoo kalena ugu baaqay in ay qaataan awaamiirta ka soo baxeysa maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.
Degmada Warshiiq ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku soo laab laabtay dagaal qabaa’il salka ku haya kaas oo ka bilowday isqab qabsi dhuleed.


