Barcelona oo ku dhawaaqday heshiiska Andre Gomes

Barcelona ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay xidiga Valencia qadka dhexe kaga ciyaara ee reer Portugal Andre Gomes.

Gomes ayaa labadii xilli ciyaareed ee La Liga ugu dambeeyay wacdaro ka dhigay ka dib markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Benfica bishii July 2014.

22-sano jirkaan ayaa kamid ahaa xiddigihii Portugal ee ku guuleystay Euro 2016 markii France 1-0 kaga badiyeen.

Wararka ayaa sheegaya Barcelona in ayka  bixisay € 40million Gomes, oo 30 kulan oo uu usaftay kooxdiisa u dhaliyay seddex gool xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Xiddigan 13 jeer u ciyaaray xulka Portugal isagoo sidookale bartilmaameed xoogan u ahaa kooxda Real Madrid.

Waxa uu qarka u saaran yahay inuu noqdo saxiixii ugu dambeeyey ee Luis Enrique ka sameeyo suuqa kala iibisha, iyadoo tababaraha hore uu ugu dhawaaqay saxiixiyada Samuel Umtiti, Lucas Digne iyo Denis Suarez.