Zlatan Ibrahimovic ayaa xaqiijiyay inuu doortay inuu qaato maaliyada No.9 ee Manchester United – kadib markii kooxdiisa ay go’aan ku gaartay in looga qaado Anthony Martial oo la siiyay No.11.
United ayaa ku dhawaaqday liiska ciyaartooydeeda iyo Lambarada ay xiran doonaan xili ciyaareedka 2016/17, iyadoo isbedelo ay ku sameyeeen xirashada Lambarada saxiixyada cusub ee kooxda.
Martial, oo soo jiitay xilli ciyaareedkii hore taageerayaasha markii uu ku guuleystay abaal marinta Golden Boy 2015, ayaa No.11 kala wareegay Adnan Januzaj.
Ibrahimovic ayaa awoodi waayay inuu qaato maaliyada No.10 – tasoo hore uu ugu xirnaa labada dhinac ee Paris Saint-Germain iyo Sweden iyadoo loo daayay kabtanka Wayne Rooney.
Qoraalka uu bogga Instagram, soo dhigay ayuu ku yiri Ibrahimovic, waan imaan doonaa dhawaan ,waan ku faraxsanahay xirashada No.9 ee la ii xulay,
34-sano jirka ah ayaan weli kusoo biirin saaxiibadiisa cusub, isagoo fasax ku jooga dalka Mareykanka.
Dhinaca kale, inta badan ee kooxda Red Devils ‘ayaa u safray Shiinaha iyagoo laba kulan oo katirsan tartanka ICC ku wajahaya Borussia Dortmund iyo Manchester City.