DHAGEYSO: Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay in Boorar lagu dhejiyo Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inaan boorar aysan fasaxin maamulka gobolka Banaadir aan lagu dheji karin wadooyinka magaalada Muqdisho maalmaha ciida.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in boorarka faraha badan ee lagu dhejiyo wadooyinka Muqdisho ay dhibaato ku yihiin nadaafada Caasimada dalka ee Muqdisho.

Xalane ayaa sheegay in looga baahanyahay ganacsatada in ay warqad cadeyn ah ay ka qaataan xarunta maamulka gobolka Banaadir,tasoo ku aadan inta maalmood uu boorku dheganaanayo wadooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in sanadkaste Muqdisho lagu dhejiyo boorar aad u farabadan ka dibna marka ay doqoobaan ay ku daataan wadooyinka .