Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefdiga uu hoggaaminayey ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xiriirka Dowladda Itoobiya Somaliland iyo xoojintiisa iyo sidoo kale iskaashiga dhinaca ganacsiga sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd
Wasiir Dr Ciise, Waxa uu sheegay in kulanku ku qotomay xoojinta xiriirka Itoobiya & Somaliland ka, sida Berber Port iyo Berbera Corridor isticmaalkooda.
Dr Ciise Kayd Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in ay la kulmi doonaan safaarado badan iyo masuuliyiin kale oo ay kala hadlayaan qaddiyada Somaliland.
Waa markii labaad oo Madaxweynaha Somaliland uu tago dalka Itoobiya lana kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana Itoobiya ay kamid tahay dalalka Saamiga ku leh dekadda Magaalada Berbera.



