Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin Buundada Daariq ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana ay dagaalka ku dhaawacmeen laba askari oo katirsan Ciidamada Jubbalans.
Saraakiil katirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka hortageen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab ayna khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.
Xaaladda Aaga Buundada Daariq ee duleedka Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa degan, waxaana Barta-koontorool ee la weeraray ay kamid tahay goobaha laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.



