Janeraal Xuud oo imaaanaya Muqdisho lana kulmaya Farmaajo

Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubno la socda.

Sababaha imaanshaha Janeraalka ee Muqdisho ayaa ka dambeeysay kadib markii uu wada-hadal la bilaabay dowladda Soomaaliya, waxaana is-afgarad horudhac ah ay wada gaareen Taliyaha Ciidamada Dhulka Janeraal Maxamed Tahliil Biixi.

Janeraal Xuud oo la hadlay qaar kamid ah Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in markii uu yimaado Magaalada Muqdisho uu la kmi doono Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Janeraal Abuukar Warsame Xuud ayaa ku dhawaad sanad waxaa uu siweyn uga soo horjeeday habka loo maray Dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, wuxuuna dhowr jeer Magaalada Beleeweyne iyo duleedkeeda uu kula dagaalamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Hir-Shabeelle.