Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo ciidamada Boliiska Koonfur Galbeed ay isaga baxeen deegaankaasi ka dibna ay la wareegeen dagaalyahano Ka tirsan Shabaab.
Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa magaalada Beydhabo ee gobolka Baay waxa ay ujiraa qiyaastii 30 KM.
Gudoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Shabeelow Xuseen War-Dheere oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay Shabaab gacanta ku dhigeen deegaanka Goof- gaduud iyo sidoo kale deegaano hoos yimaada.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay shalay ku soo war galiyeen in ay ka guurayaan xerada ay ku lahaayeen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow, laakin aysan garaneyn sababta ciidanka Koonfur Galbeed ay uga baxeen deegaanka.
Al-Shabaab ayaa si toos hada u maamulaya deegaanka Goof Gaduud sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka .



