DHAGEYSO: Dowladda oo dib u dhigtay Aaska Burci Maxamed Xamza

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay Aaska Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamza, oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo kamid ahaa dadkii ku dhintay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada  Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa  u sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in illaa Maalinka Talaadada dib loo dhigay Aaska Marxuumka, si loo sugo ehellada Qaarkood oo dalka dibaddiisa ka imaanaya.

Wasiirka, ayaa sheegay Maalinta Talaadada Salaad Janaaso ah lagu tukan doono Marxuumka, kadibna Aas Qaran loogu Sameyn doono Magaalada Muqdisho.

Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamze ayaa ku geeriyooday weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naaso Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.